Mudanayaal iyo Marwooyinka Sharafta leh,

Marka hore waxan idinku salaamaynnaa salaanta islaamka: Asalaamu Calaykum wa raxmatullahi
Marka labaad waxan idinka mahad celinaynnaa in nagu aamintaan ubadkiinna, waxana sharaf noo ah in aan idiin shaqayno muddadii 19 sannadood ahayd ay soo jirtay jaamacadda cammuud muddaas oo jaamacaddu ku talaabsatay horumar balaadhan oo ay noqotay jaamacadda ugu magic weyn dhulka ay Soomaalidu degto. Waxa heerkaa jaamacadda soo gaadhsiiyey Eebbe ka sokow shaqaale naftooda u huray iyo taageradiina.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Jaamacadda waxa hadda soo foodsaray duruufa adag oo ay ka mid yihiin inay yaraadeen hay’adihii ay gargaarka helayeen jaamacadahu gaar ahaan kuwa caafimaadka, waxa kale oo aad u kordhay kharashka jaamacadda ku baxa oo si weyn uga batay fiiga ay jaamacaddu ka qaaddo. Gaadiidkii Jaamacadda ay isna duqoobay oo ay qaarkood fadhiisteenba.
Xattaa waxa adkaatay in dhismayaasha jaamacadda si fiican loo dayac tiro sannadkiiba mar iyo qalab jaamacadda oo u baahan in mar walba la kordhiyo (sida qalab lagu fadhiisto)
Siddaa darteed waxa lagama maarmaan noqotay in dib loo eego waxana lagu daro fiiga ardayda laga qaado arrintaa la’aanteedna aanay jaamacaddu shaqaynayn. Waxan rajaynaynnaa in aad arrintaa nagu garab gashaan jadwalkuna waa sida soo socota

Fiiga cusub ee ardayda Jaamacadda camuud

Serial Number

Faculty/ Department

Programme

SEMESTER ONE

SEMESTER TWO

1. Faculty of Education Degree $273.00 $273.00
2. Faculty of Education Diploma $193.00 $193.00
3. Faculty of Business and Public Administration Degree $273.00 $273.00
4. Faculty of Business and Public Administration Diploma $193.00 $193.00
5. Faculty of Agriculture and Environment Degree $273.00 $273.00
6. Faculty of Computing and ICT Degree $273.00 $273.00
7. Faculty of Computing and ICT Diploma $143.00 $143.00
8. Faculty of Engineering Degree $273.00 $273.00
9. Faculty of Sharia and Law Degree $243.00 $243.00
10. Faculty of Sharia and Law Diploma $170.00 $160.00
11. Faculty of Medicine Degree $453.00 $453.00
12. Faculty of Dentistry Degree $453.00 $453.00
13. Faculty of Nursing and Midwifery Degree $333.00 $333.00
14. Faculty of Laboratory Technology Degree $333.00 $333.00
15. Faculty of Pharmacy Degree $333.00 $333.00
16. Faculty of Public Health Degree $333.00 $333.00
17. Faculty of Economics and Politica Science Degree $273.00 $273.00
18. Department of Freshman Studies Freshman Semester One and Freshman Semester Two $283.00 $273.00

Maamulka Jaamacadda Cammuud

Amoud University College of Health Sciences Campus, located in Borama Town. [PICTURE/FILE 2016]